Assalamu Calaykum .
Salaan ka dib halkan waxaan ku ururiyay qaar
ka mida sawiradii laga soo qaaday Xafladii wanqasha
ahayd ee Degmada Go'da wayn .
Fadlan raali iga ahaada hadaan ka tagay sawirada qaar
waxaan galiyay uun intaan helay .
Abdilahi Deria Liban
Malaysia
Thursday, June 19, 2008
Maqaal sharaxaya jawigii Madasha
Nuxurka qudbadaha Masuuliyiinta oo aan ka soo saaray qoraalka:-
“Hadii degmadii la inoo magacaabay shanta sanno ee dambena sow Rayaale ma doorano” Xildhibaan Siciid C/laahi Yasir
“Deegaankan quruxda-badan waxa fiican in laga sameeyo meel Mucaaradku markuu xiiqo uu ku nasto Xildhibaan Duurna waxaan leeyahay dadkii ku soo doortay waxbaad u qaban lahayd hadaad Udub taadii la shaqayso.” Wasiirka Beeraha.
“Waxaan xusuusinayaa Dhismayaashii aad kal hore balan qaadeen inay weli dul banaan yihiin.” Waqaf
“Balan-qaadyada ana saddex baan ku darayaa, Garoon diyaaradaha yar-yar iyo Ehelukobtaradu isticmaalaan, Libaaxyadii iyo Fardihii” Wasiir Warancade
“Warancadane, Libaaxyadaa uu balan-qaaday inaanu ku soo darin Libaaxii barigii dhawayd dadka cunay ku soo darin ayaan rajaynayaa.” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Gudd Cirro.
“Munaasibadani waxay dheertahay Munaasibadiihii kale, ninka Masraxan isa soo taagaaba in uu balan-qaad sameeyo, anagu se wax ka wayn baanu idiin haynaayoo waa idiin ducaynaynaa.” Suldaan Axmed Nuur Samaale.
Munaasibad loogu wanqalay Degmada-nimada Deegaanka Godaweyn ee Gobolka Saaxil oo ka mid ahayd Degmooyinkii Madaxweyne Rayaale dhawaanta magacaabay, ayaa shalay lagu qabtay Buurta Bilicdasan ee Gacanlibaax.
Xafladan oo ahayd mid si habaysan loo agaasimay, isla markaana is-gaadhsiinteedu hufnayd waxa ka qayb-galay Wufuud culus, oo ka kala socotay Golayaasha dawlada Jamhuuriyada Somaliland, Xisbiyada Qaranka, Aqoonyahano, Siyaasiyiin Madax-banaan, Madax-dhaqameedyo isugu jiray Salaadiin, Cuqaal iyo dadweyne aad u fara badan. Xafladan oo bilaabantay Salaadii Jimce ka dib ayaa Masuuliyiin iyo Salaadiin khudbado ka jeediyay waxay dhamaantood qireen sida Degmada Goda iyo deegaamada hoos yimaadaa ugu qalmaan in loo magacaabo Degmanimada shalay loo wanqalay, oo ay muddo dheer sugayeen. Iyada oo inta badan farta lagu fiiqay deegaanka bilicda san ee Dalxiiska ku haboon ee ay Buurta Gacanlibaax ka mid tahay, Xoolaha nool oo ay caan ku tahay, Beeraha iyo Istaraatijiyada ay ku taalo degmada Go’daweyn, ee ay ku kulmaan Gobolada Togdheer, Saaxil, Oodweyne iyo Hargeysa. Goboladaas oo inta badan Masuuliyiintoodu ay ka qayb-galeen Xafladaasi, isla markaana ay u balan-qaadeen in ay wax la qaban doonaan Degmadan cusub ee Godaweyn. Ka dib markii Guddoomiyaha Degmadaasi cusub Maxamuud Cabdillaahi Fiiqay, uu ka dalbaday inay ka taageeraan Yagleelka Degmadan cusub.
Ugu horeyn Masuuliyiintii halkaa ka hadlay ee amaanta u jeediyay Deegaankaas, waxa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle, oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeenada Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, oo si weyn ugu amaanay Degmadaas wax soo saarkeeda. Isla markaana hambalyeeyay Shacabka Degmadaasi
Intaa ka dib, waxay madashaasi u xuubsiibatay mid la isku waydaarsaday kaftan siyaasadeed, oo ka dhashay ka dib markii Masuuliyiinta Xukuumadda, gaar ahaana Wasiiradda oo aad u fara badnaa la waydiiyay waxa ay ka qabteen balan-qaadyo ay deegaankaa hore ugu jeediyeen, gaar ahaan dhismaha Waddada isku xidha Hargeysa iyo Go’daweyn iyo sidoo kale dayac-tirka Dhismayaasha Buurta Gacanlibaax ee Dalxiiska, oo ku bur-buray dagaaladii dalka dib loogu xoreeyay, taas oo sannad ka hor wakhti halkaa munaasibad lagu qabtay Wasiirrada Hawlaha Guud uu ka mid ahaa wasiirro balan-qaadey inay wax ka qaban-doonaan. “Waxaan xusuusinayaa Dhismayaal halkan ah, oo Wasiiradii balan-qaaday fadhiyaan Xaflada inay weli dul banaan yihiin.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf). Hase ahaatee, hadalkaasi waxa uu dhaliyay dood siyaasadeed iyo Ollole ay Mucaaradka iyo Muxaafidku isugu duur-xulayeen.
Waxa dareenka madasha sii shiday oo halkaa cod dheer kaga dalbaday dadweynaha reer Go’adawayn Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yasir, oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, inay u abaal-gudaan Madaxweyne Rayaale, oo u magacaabay Degmonimada Godaweyn oo uu sheegay in ay muddo dheer halgan ugu jireen “Hadii degmadii la inoo magacaabay, shanta sanno ee dambena sow Daahir Rayaale ma dooranno.” Ayuu yidhi Md. Yasir. Taas oo ka qayb-galayaashii Xafladaasi dareeno kala duwan kaga jawaabeen.
Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale (Duur), oo ka tirsan Golaha Wakiilada, Ismarkaana ahaa mudanaha inta badan Wasiiro madashaa ka hadlay u jawaabayeen ayaa isagu tilmaamay in Deegaanka Gacanlibaax u baahan yahay wax qabad dhab ah oo balaadhan, isaga oo faah-faahin ka bixiyay baahiyaha ka jira Deegaankaasi, oo ay ka mid yihiin Biyo la’aan, Waddo-xumo iyo dhamaan adeegyadii bulshada oo aan Deegaankaa ka wada hirgelin. “Magacaabis ku qanci mayno, laakiin waxay ku xidhan tahay abaal-celintu waxa la qabto.” Ayuu yidhi Xildhibaan Duur. Sidoo kale waxa uu tilmaamay, balan-qaadyo hore oo aan weli fulin oo uu sheegay in Xukuumadda looga fadhiyo inay qabato, isaga oo ka cudur-daartay in Gola Wakiillo ahaan wixii loo doortay dhab ahaan aanay uga soo wada bixin.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Siciid Sulub Maxamed, oo u muuqday mid duur-xulkaa siyaasadeed ee farta ku goday balan-qaadka hore ay u sameeyeen ka dabaalanaya, ayaa waxa uu sheegay in ay u arkayaan in xaq loogu leeyahay Xukuumad ahaan in loo soo jeediyo dhaliisha waxyaabaha laga tabanayo. Isla markaana waxa uu sheegay in Ilmaha yari marka uu dhasho maryaha u horeeya Waalidkiisu u iibiyo, Degmadan cusub oo uu muujiyay magacaabisteeda raggii u hawlgalay inuu ka mid ahaa ay sidaas oo kale tahay, Xukuumad ahaana aanay waxba kala hadhayn wixii karankooda ah. Isaga oo tilmaamay khayraad badan oo ku dihin deegaankaas, isla markaana ku dhiirigeliyay dadka Deegaankaas in ay iyagu wax qabsadaan, kana faa’iidaystaan khayraadka deegaankooda.
Wasiirka Beeraha Adan Axmed Cilmi (Dhoolayare), ayaa isagu sheegay in uu la yimi Degmadan cusub ha yaraatee deeqdii ugu horeysay, oo ah waxoogaa qalab ah oo lagu xanaaneeyo Shinida. Wasiirka Beeruhu mar uu Dalxiiska ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Deegaankan quruxda-badan waxa fiican in laga sameeyo meel Mucaaradku markuu xiiqo uu ku nasto. Xildhibaan Duurna waxaan leeyahay dadkii ku soo doortay waxbaad u qaban lahayd hadaad Udub taadii la shaqayso.”
Wasiirka Duulisa Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cali Maxamed Warancade, oo sidoo kale Munaasibadaa hadal ka jeediyay aya yidhi, “Balan-qaadyada ana saddex baan ku darayaa, Garoon diyaaradaha yar-yar iyo Ehelukobtaradu isticmaalaan oo Dalxiiska hawl yareeya, diyaarintiisa waanu ka hawl-galaynaa. Libaaxyadii iyo Fardihii deegaankani caanka ku ahaa, waa la soo qaaday, oo ma joogaan imika. Laakiin waxaan balan-qaadayaa oo aan ugu deeqay laba Libaax iyo laba Faras inaan keeno Buurta Gacanlibaax.”
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-cirro), oo Xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in Deegaanka Go’daweyn ka mid yahay goobihii laga soo doortay, isla markaana waxa uu ugu mahad-naqay dhamaan ka qayb-galayaashii Munaasibadaa, isaga oo rajeeyay in Masuuliyiinta balan-qaadyada sameeyay ay ka soo bixi doonaan. “Warancadane, Libaaxyadaa uu balan-qaaday inaanu ku soo darin Libaaxii barigii dhawayd dadka cunay ku soo darin ayaan rajaynayaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Suldaanka Maxamed Xasan Ibraahin, ayaa isaguna sidoo kale, si weyn u soo dhaweeyay guud ahaanba ka qayb-galayaashii Xafladaasi, waxanu sheegay inuu Illaahay ka baryayo in balan-qaadyada badan ee ay Masuuliyiintu halkaa ka jeediyeen loo aqbalo. Hase ahaatee, waxa uu dadweynaha u soo jeediyay inay isku tashadaan, waxna qabsadaan. Si markaa waxa ay qabsadaan ciddii wax ugu daraysaa ugu darto. “Hadii aynu nidhaah-no dawladii ayaa waxan keenaysa, dawladiibaa waxan samaynaysa waxba qabsan mayno.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Xasan
Suldaan Axmed Nuur Samaale, ayaa isna ka mid ahaa Madax-dhaqameedkii lagu casuumay Munaasibadaa, isla markaana waxa uu amaan u soo jeediyay Munaasibada Go’daweyn loogu wanqalay. “Munaasibadani waxay dheertahay Munaasibadiihii kale, ninka Masraxan isa soo taagaaba in uu balan-qaad sameeyo, anagu se wax ka wayn baanu idiin haynaayoo waa idiin ducaynaynaa.” Ayuu yidhi Suldaan Samaale.
Suldaan Maxamuud Maxamed Xandule, ayaa ka hadaly Xafladaas, oo tilmaamo ka bixiyay balan-qaadyada iyo sida loogu baahan yahay in la fuliyo. “Suldaan Saxardiid waxa uu yidhi ‘Ninka naagaanu qabin dhirbaaxay Fool-xumo ayuu u yeedhay oo ugama tudho’ Nidar uu galay ninka ka baxayna Naarbuu u yeedhayoo ugama noxo. Markaa Wasiirada balan-qaadyada sameeyayay waxaan leeyahay kuwaa Illaahay idinkama dhigo.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamuud.
Ka hor intaanu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-Cirro), Xafladaas soo gunaanadin, waxa iyaguna halkaa ka hadlay Wasiirrada Xanaanada Xoolaha Idiris Ibraahin Cabdi iyo Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Waabari Rooble iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan. kuwaas oo dhamaantood ka hadlay mawduucyada ka khuseeya Degmadan cusub.
by Hassan Cumar Hassa

Subscribe to:
Posts (Atom)